Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa dalbaday si dhaqsi ah loo dhaariyo Xildhibaanada cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee lagu soo doortay deegaan doorashada labaad Jubbaland ee Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
War-saxaafadeed uu soo saaray Guddoomiye Muuse Geelle Yuusuf ayaa waxaa lagu sheegay in baahi loo qabo in Xildhibaanada Golaha Shacabka ee aan weli dhaarin aysan harin doorashooyinka Guddoonka Golaha Shacabka oo maalmaha soo socda dhaceysa.
Guddoomiye Muuse Geelle ayaa Codsaday in si dhaqsi ah loo dhaariyo Xildhibaanada cusub ee shahaadada Xildhibaanimo kasoo qaatay Guddiga doorashooyinka heer Federaal, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo, ayna uga qeyb galaan doorashada.
Arrintaan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo Maanta lasoo gaba-gabeeyay doorashada 16-ka kursi Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee ku harsanaa dowlad Goboleedka Jubbaland, doorashadaas oo lagu qabtay Magaalada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo.
Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa waxaa lagu wadaa inay Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo 27-ka bishaan Maarso, waxaana Caasimadda ka socda olole xoogan oo ku aadan doorashada Guddoonka oo ay ku tartamayaan Musharaxiin dhowr ah.
Hoos ka Akhriso Warka kasoo baxay GuddigaÂ