Guddiga Federalka ee Doorashadda Dadban ayaa la filayaa inay dhawaan qabtaan Shir Jaraa’id, kaasi oo ay ku faahfaahin doonaan Shaqsiyaadka laga reebay Doorashooyinkii dhawaan ka kala dhacdayu Caasimaddaha Maamul-gobaleedyadda hoos yimaada Dowladda Federalka.
Guddiga Federalka ee Doorashadda Dadban ayaa la filayaa inay soo saaraan magacyadda xubnaha laga saaray Liiska Xildhibaanadda ku guuleystay Labada Aqal ee Barlamaanka Federalka ee soo socda.
Inkastoo aysan inoo suurto-gelin inaan helno magacyadda xubnaha laga saaray Labada Aqal ayaa waxaa haddana aad lo ohadal-hayaa in 23 xubnood laga saaray dadkii ku guuleystay Doorashadda Labada Aqal ee Barlamaanka soo socda.
Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa u sheegay Radio Dalsan in xubnaha Maamul-gobaleedyadda ee laga saarayo Labada Aqal ay kala yihiin:
Maamulka K/galbeed    11-xubnood.
Maamulka Puntland      4-xubnood
Maamulka Galmudug   3-xubnood
Maamulka Hirshabelle   3-xubnood
Maamulka Jubbaland    2-xubnood
Si kastaba ha ahaatee, tiradda xubnaha laga saaray Musharixiinta ku guuleystay Doorashaddii Labada Aqal ayaa laga yaabaa inay wax iska bedelaan, kadib, markay ay Guddiga Federalka ee Doorashadda Dadban iyo Guddiga Madaxa-bannaan ee Xalinta Khilaafyadda Doorashadda Dadban soo af-meereen Baaritaankooda iyo Gar-qaadista Dacwadaha laga keenay Doorashadasi oo lagu tilmaamay middii ugu musuq badnayd Taariikhda Doorashooyinkii ka dhacay dalka Somalia.
©Radio Dalsan