Guddiga hirgalinta doorashada labada gole ee gobollada Woqooyi ee Somaliland ayaaa maanta soo geba gabeeyay doorashada xildhibaanada golaha shacabka, waxaana uu noqonayaa guddigii ugu horreeyay ee doorashada gebagabeeyay iyadoo aan la gaarin waqtigii loo qabtay oo ah 25 bishaan.
Tirada guud ee Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka ku matalaya Somaliland oo ah 57 xubnood ayaa lagu doortay caasimadda dalka ee Muqdisho.
Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis ayaa ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#259 ee golaha shacabka BJFS oo doorashadiisu maanta ka qabsoontay magaalada Muqdisho.
Sidoo kale kuraasta kala ah Hop#206 iyo Hop#243 ayaa Muqdisho lagu doortay Saaka, waxaana kusoo kalabaxay Samsam Muxumed Cumar ayaa ku guuleysatay kursiga tirsigiisu yahay Hop#243 ee golaha shacabka baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo Maxamed Ibraahim Cabdi oo ku guuleystay kursiga tirsigiisu yahay Hop#206.