Guddiga doorashada Golaha Shacabka ayaa la sheegay in laga soo saaray Xarunta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana la sheegay in Ciidamo Nabad sugid iyo Boolis ah ay kasoo saareen xarunta oo ay ka socdeen howlaha dar-dargalinta doorashada Golaha Shacabka.
Guddoomiyaha guddiga doorashadda ee guddoonka Golaha Shacabka, Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa sheegay in laga soo saaray xarunta, sidoo kalena la handadayo shaqaalaha Golaha.
Guddoomiyaha waxaa uu sheegay in Ciidamo hubeysan iriddaha isugu dhufteen xarunta ay ku shaqeynayeen, waxaana  lagu amray iney isaga baxaan Villa Hargaysa.
Guddoomiye/Xildhibaan Cabdirisaaq ayaa sheegay in ujeedada Ciidanka ay tahay iney fuliyaan rabitaanka Farmaajo, oo raba in berri doorashadda golaha shacabka dib loo dhigo, waa sida uu hadalka u dhigaye.