Guddiga isku dhafka ah ee doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo sabti ah waxaa ay kulan la qaateen Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kulanka Guddiga doorashada iyo Taliyeyaasha Ciidamada dowladda ayaa waxaa looga hadlay inta uu socday xoojinta amniga guud ee doorashada Madaxweynaha dalka oo maalmaha soo socda ka dhaceysa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.
Guddiga iyo Taliyeyaasha Ciidamada ayaa isku afgartay dardar-gelinta iyo xaqiijinta Teendhada Afisyooni oo lagu qabanayo doorashada Madaxweynaha, halkaas oo tegi doonaan Xildhibaanada labada Aqal, Musharaxiinta, Wakiilada Beesha Caalamka, siyaasiyiin iyo marti sharaf kale oo ka qeyb galaya doorashada.
Maalmo kahor ayey aheyd markii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe uu Taliyeyaasha Ciidamada kala hadlay amniga doorashada, isagoona ku maray inay amar ka qaatan inta lagu jiro marxaladan kala guurka ah.
Taliyeyaasha Ciidanka Booliska, kan Gobolka Banaadir, Milateriga iyo Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa ka qeyb galay kulankii Maanta ay la qaateen Guddiga doorashada Madaxweynaha, doorashada Madaxweynaha ayaa dhaceysa 15-ka May.