Wafdi ka socday Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa gaaray Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, halkaas oo ka dhaceysa doorashada kuraas ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka Soomaaliya.
Xubnaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal ee tegay Boosaaso ayaa booqday Xarun Teendho ah oo ay dhaceyso doorashada Xildhibaanada 16-kursi ee Magaalada Boosaaso, taasi oo ku dhex taalla gudaha Garoonka diyaaradaha Boosaaso.
Booqashada xubnaha Guddiga heer Federaal ayaa waxaa ku wehlinaayay Guddiga doorashada Maamulka Puntland, iyagoona indho-indheyn kusoo sameeyay Xarunta loo qorsheeyay inay ka dhacdo doorashada lix iyo toban kursi ee Golaha Shacabka.
Doorashada kuraastaas ayaa lagu wadaa inay dhacdo 5-6 bishaan Maarso, sida ay horey Jadwalka doorashada u shaaciyeen Guddiga, waxaana xalay lasoo saaray Odayaasha dhaqanka iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada wax dooraneysa.
Maamul Goboleedyada ayaa si dardar leh u wada qansoomida doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka, xili waqti cusub lagu daray soo gaba-gabeynta doorashada Golaha, iyadoona waqtigaas uu ku egyhahay 15-ka bishaan Maarso.