Guddiga Maamulka doorashada Xildhibaanada Banaadiriga ayaa shaaciyay Magacyada Odayaasha dhaqanka ah iyo Bulshada Rayidka ee soo xulaya ergada dooraneysa shanta kursi ee Xildhibaanada Banaadiriga ee Golaha Shavabka Baarlamaanka 11-aad.
Qoraal ay soo saareen Guddiga doorashada ayaa lagu sheegay in iyada oo la fulinayo habraacyada doorashada ay ku heshiiyeen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaran, lana xaqiijinayo daah-furnaanta doorashada ay soo gudbinayaan Liiska Odayaasha dhaqanka ah iyo Bulshada Rayidka.
Doorashada Xildhibaanada shanta kuri ay Beelaha Banaadiriga ku leeyihiin Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa la filayaa inay dhacdo 21-ka bishaan, isla markaana waxaa ay ka dhaceysaa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho
Guddiga doorashada Banaadiriga ayaa maalinta berri oo Axad ah bilaabaya qabashada ergada wax dooraneysa iyo diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya shanta kursi ee Golaha Shacabka, kuwaasi oo maalmo kahor Guddiga ay soo saareen Jadwalkooda…