Guddiga Doorashada iyo Xuduudaha Jubbaland, oo dhawaan uu magacaabay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa maanta si rasmi ah u bilaabay shaqooyinkooda, iyagoo guda galay habraaca soo xulista Xildhibaannada Baarlamaanka Jubbaland. Shaqadan ayaa u muuqata mid muhiim ah oo udub dhexaad u ah qorshaha Axmed Madoobe ee dib u doorashada xilka madaxweynenimo ee Jubbaland.
Maanta, guddigu waxa ay la kulmeen Odayaasha Dhaqanka ee mas’uulka ka ah soo xulista xubnaha Baarlamaanka, iyagoo ka wada hadlay hannaanka loo marayo xulista Xildhibaannada cusub. Guddigu waxa uu ku adkeeyay muhiimadda in xulista ay u dhacdo si waafaqsan nidaamka awood-qaybsiga beelaha, taas oo ay beel walba soo gudbineyso xubintooda matali doonta.
Habraaca cusub ee loo marayo xulista Xildhibaannada ayaa ka duwan kii sanadkii 2019, oo markaas saddex xubnood laga xulin jiray beel kasta. Markan, oday dhaqameed kasta waxa uu soo magacaabaya hal xubin oo matalaya beeshiisa. Nidaamkan cusub ayaa ah mid loo arko inuu xoojinayo gacan-ku-haynta Axmed Madoobe ee geeddi-socodka doorashada.
Si kastaba ha ahaatee, khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Jubbaland iyo Dowladda Federaalka ayaa gaaray meeshii ugu sarreysay. Dowladda Soomaaliya ayaa si cad uga soo horjeesatay doorashada uu Axmed Madoobe wado, iyada oo ku doodeysa in dalka oo dhan laga hirgeliyo nidaamka doorasho qof iyo cod ah.
Sidoo kale, siyaasiyiinta mucaaradka ah ee u taagan xilka madaxweynenimo ee Jubbaland ayaa si weyn u diiddan guddiga iyo habraaca cusub ee doorashada. Waxay ku eedeeyeen Axmed Madoobe inuu doorashadan u adeegsanayo sidii uu isugu caleema saari lahaa xilka mar kale, taasoo ay sheegeen inay meesha ka saarayaan hab-raaca dimuqraadiga ah.
Doorashada Jubbaland ee soo socota ayaa la filayaa inay noqoto mid si weyn looga dareemo dalka, iyadoo lagu tilmaamayo mid saameyn ku leh xasilloonida siyaasadeed ee guud ahaan Soomaaliya. Dowladda Federaalka iyo mucaaradka ayaa indhaha ku haya geeddi-socodka, iyagoo isku dayaya inay saameyn ku yeeshaan natiijada kama dambaysta ah.
Waxaa la sugayaa sida xaaladdu u sii socon doonto, iyadoo Jubbaland ay weli tahay gobol xiisadihii siyaasadeed ee u dhexeeya Villa Soomaaliya iyo Axmed Madoobe ay ka sii xoogeysanayaan.