Koox-hawleedka Xuquuqda Aadaha Somalia “The Human Rights Working Group (HRWG) on Somalia†oo ka kooban Dowladaha xubnaha ka ah Midowga Europe, EU, Norway, Switzerland iyo Maraykanka ayaa soo dhaweeyey Dhaqdhaqaaqa Dowladda Federalka Somalia iyo horumarka laga gaaray Shir Xilliyeedkii 24-aad ee Golaha QM ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ee bbishii hore ee January 22-dii lagu qabtay magaalladda Geneva.
War Saxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay Koox-hawleedka Xuquuqda Aadanaha ee HRWG bishan Feberaayo 8-dii la kulmeen Wasiirada Haweeneka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee Xukuumadda Federalka oo ay ka wada hadleen Xaalladda Xuquuqda Aadanaha ee Somalia iyo La-tashiga UPR.
War-saxaafadeedka waxaa kaloo lagu xusay in Wafdiga Soomaalida oggolaadeen 107 Codsi Talooyin ah oo ka mid ah 228 Talo oo loo gudbiyey, isla markaana  Xukuumadda Somalia laga sugayo jawaabaha  121-ka Talooyinka harsan  inay soo gudbiyaan muddada uu socdo  Shirka Caadiga ee Golaha Xuquuqda Aadanaha ee la qaban doono bisha June ee soo socota.
Dhinaca kale, Koox-hawleedka Xuquuqda Aadaha Somalia “The Human Rights Working Group (HRWG) on Somalia†oo ka kooban Dowladaha xubnaha ka ah Midowga Europe, EU, Norway, Switzerland iyo Maraykanka waxay aad ugu bogaadiyeen Wada-xaajoodka Furan ee Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha  iyo Taageeradda ay Wasaaradaasi ka qaadanayso Sare u qaadida badbaadinta Xuquuqda Aadanaha ee Somalia.
©Radio Dalsan     Â