Munaasabad lagu xusayay Maalinta nabada iyo isboortiga aduunka  iyo  maalinta ciyaartoyda Soomaaliyeed  ayaa maanta ka dhacday garoonka Banaadir Waxaana ka soo qayb galay in kabadan 2000 oo  ciyaaryahan oo wiilal iyo gabdho isugu jiray   kana socday kooxaha xiriirada kala gedisan ee dalka , degmooyinka gobolka Banaadir iskuulada , ciyaartoydii hore iyo Masuuliyiin ka socotay wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga maamulka Gobolka Banaadir .
Ciyaartoyda oo isu jiray wiilal iyo gabdho ayaa socod ku soo maray garoonka waxaana ugu horayn halkaas ka hadlay Xogahayaha Gos Duran Axmed Farax oo sheegay 6 -da April ay tahay Maalin wayn oo xambarsan Laba munasabad oo kala ah Maalinta nabada iyo isboortiga Caalamiga iyo Maalinta Ciyaartoyda Soomaaliyeed waxuuna mahad celin u soo jeediyay dhamaan intii isku howshay in ay ka qayb qaadato Maalintan qaaliga ah.
Guddoomiye ku xigeenka XSKC Cali Cabdi Maxamed Cali Shiino oo ka hadlay Munasabd ayaa sheegay in xiriirka kubada cagta uu garoonka Banaadir isu keenay kooxaha u diiwaan gashayn si uu wayneeyo munaasabadahan oo qiimo wayn ugu fadhiya ciyaartoday Soomaaliyeed.
Laacibkii Hore Xulka Qaranka Soomaaliyeed iyo Kooxdii Muqdisho Axmed Cabaas Busuri oo ku hadlay magaca ciyartoyda Soomaaliyeed kuwii hore iyo kuwa hada ayaa soo dhaweeyay in maalin ay yeeshaan ciyaartoyda soomaaliyeed waxuuna ugu baaqay dhamaan ciyaartoyda iyo bahda jecel  isboortiga in ay ka qayb qaatan horumarinta isboortiga dalka.
Guddoomiyaha Gos Cabdullahi Axmed Tarabi oo munaasavada ka hadlay ayaa sheegay ay maanta tahaya maalinta nabada iyo isboortiga caalamka sidoo kale maalinta ciyaartoyda Soomaaaliyeed, waxuuna inta ku daray in ciyaartoyda ay yihiin tiirka ugu wayn   isboortiga’ la aantoodna uu isboortiga jiri lahayn, Guddoomiye Tarabi ayaa intaa kudraay in ciyaartoyda ay isugu soo baxeen in ay codkooda muujiyaan maalintoodana waynaystaan Gosna  ay joogtayn doonto Musaabdan si ka balaarana ay sanadka dambe u qaban doonto.
Ugu dambayn waxaa halkaas ka hadlay wasiir ku xigeenka wasaarada dhalinyrada iyo isbortiga Cusmaan Aadan Dhuuboow waxuu sheegay in kulankan ay isugu yimaadeen ciyaartoyda soomaaliyeed ay sare u qaadayso isboortiga , dhalinyardana ay laf dhabar u yihiin nabada iyo isboortiga wasaaraduuna ay taageri doonto wax kasta oo lagu horumarinayo isboortiga, wasiirka aya ugu damayn u mahadceliyay guddiga olombikada Soomaaliyeed iyo xiriiradiisoo qayb wayn ka qaatay in xuso Munaasabada malinta nabada iyo isboortiga Caalamka laga asteeyo maalinta Ciyaartoyda  Soomaaliyeed .
Munaasbada maalinta nabada iyo isboortiga ayaa 4 bisha soo bilaabatay iyadoo gos ay ku xuseen ciyaar kubada kolayga Maantana ay noqotay marki ugu horaysay ee loo asteeyo maalinta ciyaartoda Soomaaliyeed iyo gebogebada Xuska maalinta nabada
Daawo Sawiradda :-
Nocsom Media Department.