Ku-simaha Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo ka qabsoomay Magaalada Garopwe ee Xarunta Gobolka Nugaal.
Shirkaan ayaa waxaa todobaadkan looga hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin Amniga, daah-furka hannaanka isku-dhafka ah ee korjoogteynta iyo dabagalka shaqooyinka Dowliga ah.
Inta uu socday Shirka Golaha Maamulka Puntland ayaa waxaa sidoo kale looga hadlay mashaariicda, dardargelinta Qaadashada tallaalka COVID-19, arimaha Gobollada iyo Degmooyinka Puntland iyo xaaladda dadkii laga soo barakaciyay Laascaanood.
Ku-simaha Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ahna Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Golaha Wasiirada faray inay dardar-geliyaan howlaha shaqo ee Wasaaradahooda horyaalla.