Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey wax ka beddelka iyo kaabidda Hindise Sharciyeedka Hey’adda Maaliyadda.
Inta uu socday Shirka khamiislaha ah ee Golaha Wasiirada ku yeesheen magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay waxqabadka daadajinta iyo furfuridda astateynta awoodaha heerarka Dowladda.
Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno la xiriira amniga dalka, waxa ay ka dhageysteen Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo soo bandhigay guulihii amniga ee la gaaray iyo falalkii argagixiso ee la fashiliyey.
Shirka golaha Wasiiradda Soomaaliya maanta yeesheen ayaa kusoo aadaya xilli ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka gacantooda ka baxday deegaanno horey Al Shabaab uga saareen, sidoo kale hakadeen howlgaladii socday.