Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Maanta kulankooda todobaadlaha ah ee Golaha ku yeeshay Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo ay gaareen Madaxweyne ku-xigeenada  Maamulka iyo xubno Wasiiro ah.
Kulankan oo uu shir gudoominayay Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa qodobo dhowr ah looga dooday oo kamid yihiin ammaanka guud ee deegaanada Maamulka iyo howlaha muhiimka ah ee horyaalla Golaha iyo Maamulka.
Wasiirka Wasaaradda amniga Jubaland Jeneraal Yuusuf Xuseen Dhuumaal ayaa kulanka golaha wasiirada kahor aqriyey warbixino la xiriira xaaladda amniga ee deegaanada Jubbaland.
Inta uu socday kulanka Golaha Wasiirada dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa degmooyinka Dhooblay iyo degmada Buurdhuubo Cod gacan taag ah loo qaaday si ay degmooyinka Jubbaland uga mid noqdaan, sidaasina loogu ansixiyey degmooyin.
Ansixinta degmooyinkan ayaa kusoo aaday, iyada oo Maanta Dhooblay ay gaareen Madaxweyne ku-xigeenada Koowaad iyo Labaad ee Jubbaland Maxamuud Sayyid Aadan iyo Suldaan Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud, Golaha Wasiirada Maamulka iyo xubno kale.