Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta shir-guddoomiyay kulanka Golaha Wasiirrada ee Hirshabeelle oo ka qabsoomay magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Ugu horreyn waxaa xilalka loo dhaariyay Wasiirrada Wasaarradaha Qorsheynta, Caafimaadka iyo Batroolka ee Hirshabeelle, kuwaasi oo dhawaan uu magacaabay Madaxweyne Cali Guudlaawe.
Shirka Golaha Wasiirrada ee Hirshabeelle oo diirada lagu saaray u diyaar-garoowga shirka sannad-laha ee Golaha Wasiirrada.
Wasiirka Arrimaha Guddaha iyo Dowladdaha Hoose oo laga dhageystay warbixin ku aadan degmooyinka xiga ee laga hirgelinayo doorrashada Golaha Deegaanka.
Madaxtooyadda Hirshabeelle ayaa Golaha Wasiirrada la wadaagtay hannaanka loo wajahayo shir-sannadeedka Golaha Wasiirrada kaas oo lagu gorfeyn doonno muddadii sannadka sida ay shaqadda aheyd.
“Si aan u guulleysano waa inaan wadajir xil isaga saarnaa shaqadda, dhammaan Golaha Wasiirrada waa inay ogaadaan halka laga qiimeyn doono inay tahay shirka sannad-laha ee soo socda.â€
Ugu dambeyn madaxweynaha Hirshabeelle ayaa faray Wasiirrada inay dardargeliyaan shaqadda.