Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Cali Guudlaawe ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha xukuumada Hirshabeelle oo ka qasboomay Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Madaxweynaha ayaa shirka golaha wasiirada golihiisa uga warbixiyay socdaalkii uu dhowaan ku tahay Magaalada Muqdisho iyo kulamadii kala duwanaa ee uu lasoo qaatay Madaxda ugu sareeyo dalka iyo wakiilada beesha caalamka.
Golaha Wasiirada ayaa cod gacantaaga ku ansixiyay Miisaaniyad sanadeedka 2021/22 oo Wasaarada Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ay usoo gudbisay golaha Xukuumadda, in kastoo aan la shaacin tirada Miisaaniyadda la ansixiyey.
Sidoo kale Golaha Wasiirada ayaa maanta ka dooday bixinta kaararka aqoonsiga Wasaaradaha iyo guud ahaan, iyadoo goluhu isla qaateen in sanadka cusub ay soo saari doonto karaar cusub oo mideysan oo laga bixin doono Madaxtooyada Hirshabeelle.
Maamulka Hirshabeelle ayaana laheyn ilo dhaqaale oo sidaa u badan, waxaana Hirshabeelle lacagta Miisaaniyada ku baxda kabta dowladda Federaalka Soomaaliya.