Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta la filayaa inay yeeshaan kulan adag oo si gaar ah isha loogu hayo waxyaabaha kasoo bixi doona.
Mudaneyaasha Labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa u balansan kulan kaan oo ah mid xasaaaasi ah, waxaana looga doodayaa qodob dhawaanahaan taagnaa hadalheyntisu.
Doodda ugu adag ee Maanta yeelan doonaan Xildhibaanadu ayaa ah “wax ka badalka Dastuurka†taasi oo loo arko mid xiisad siyaasadeed dhalin karta.
Qodobka ayaa ah qorshe baabi’inaya xilka Ra’iisul Wasaaraha soona kordhin aya madaxwayne ku xigeen, waxaana taas Mucaaradku u arkaan mid qorshaheeda ay wadato Villa Soomaaliya.
Dhawaanahaan waxaa taagneyd hadal haynta qodobkaan, waxaana si weyn kaga hor-yimid Madax hore, siyaasiyiin iyo Xildhibaano.
Dhinacyada kasoo horjeeda qorshaha wax looga bedalayo Dastuurka ayaa ku doodaya inuu ka hor-imaanayo nidaamka federaalka uuna soo celinayo fekerka kaligii-talisnimada.