Hadal-qoraal oo uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Gacanka Khaliijka ee GCC, Dr. Nayif Falax Mubaarak Al-Hajraf ayaa waxa uu soo dhaweeyey dadaalkii iyo Dhexdhexaadintii ay Dowladda Qatar ku bixisay soo-celinta Xiriirada Diplomaasi ee u dhexeeyey Somalia iyo Kenya.
Waxa uu tilmaamay inay Tallaaabadaasi isku soo dhaweyn doonto aragtiyaha iyo sare-u-qaadida Xiriirka Somalia iyo Kenya iyo Xoojinta Ammaanka Caalamiga, Deganaanshaha iyo Nabadda.
Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Golaha Iskaashiga Gacanka Carbeed ee GCC, Dr. Nayif Falax Mubaarak Al-Hajraf oo u dhashay dalka Kuweyt ayaa waxa uu soo dhaweeyey shaacinta Dowladaha Somalia iyo Kenya ee soo-celinta dhamaan Xiriirada.
Dr. Nayif Falax Mubaarak ayaa waxaa Tallaabaddaas ku tilmaamay mid muhiimad leh oo Wanaaga iyo Barwaaqada u horseedi karta dadka ku nool labadooda dal, laguna gaari karo Ammaanka iyo Deganaanshaha dhexdood.
Golaha Iskaasiga Gacanka Khaliijka ee (The Gulf Cooperation Council “GCCâ€) oo ay Xaruntiisa dhexe ku taallo caasimadda Sacuudiga ee Riyadh waxaa la asaasay bishii November 11-dii ee sanadkii 1981-kii, waxaana Golahaasi ku bahoobay Lixda Waddan ee kala ah: Sacuudiga, Qatar, Kuwayt, Imaaraadka, Baxrayn iyo Cummaan.
W/Q: Ustaad Nuuradiin.