Fadhigii 7805-aad ee xubnaha Golaha Ammaanka oo xalay ka dhacay Xarunta dhexe ee QM ee magaalladda New York ayaa loogu codeeyey in muddo hal sanno loo cusbooneysiiyo Hawlgalka ay Ciiddanka Caalamiga kula dagaalamayaan Burtcad-baddeeda ka qowleysata Xeebaha Somalia.
Golaha ayaa isku raacay Qaraar tirgiisu yahay 2316 ee sannadskan 2016-ka, kaasi oo mar kale lagu xaqiijiyey Mas’uuliyadda Koowaad ee Maamulayaasha Somalia ee Hawlgalkaasi, wuxuuna Golaha Ammaanka ee QM ugu baaqay Dowladaha iyo Urur-gobaleedyadda awoodi kara inay iskaashi la yeeshay Mas’uuliyiinta Soomaalida iyo in Maraakiib Dagal iyo Diyaaradaha Milliteriga lagu soo kordhiyo Hawlgalkaasi.
Golaha Ammaanka ee QM waxay kaloo walaac xooggan ka muujiyeen wararka sheegayo Kalluumeysiga Sharci-darradda ee lagu hayo Xeebaha Somalia, gaar ahaan Deegaanka hodanka ku ah Dhaqaalaha, iyadoo falalkaasi khasaaro dhaqaale ku hayaan Bulshadda deggan Xeebaha Somalia.
Goluhu waxay kaloo mar kale xaqiijiyeen in la xushmeeyo Xaalladda ka jirta Somalia, laguna xad-gudbin Xuquuqdooda iyo mas’uuliydda Dowladaha xubnaha ka ah Sharciga Caalamiga, oo uu ku jiro Heshiiska Sharciga Badda.
Dhinaca kale, 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM waxay kaloo ku baaqeen in si shuruud la’aan ah loo sii daayo Badmaaxiinta ay Burcad-baddeeda ku haystaan gudaha Somalia iyo in la kordhiyo dadaalka lagu doonayo in sida ugu dhaqsaha badan lagu sii daayo Badmaaxiintaasi.
Qaraarka tirsigiisu yahay  2316 ee sannadskan 2016-ka waxaa isku soo duway dalalka Japan, Britain, Malaysia, Farance, New Zealand, Spain, Ukraine iyo Uruguay.
©Radio Dalsan
Â
Â
Â
Â
Â