Madaxa Golaha KMG ee haya Talada dalka Sudan, ahna Taliyaha Guud ee Ciiddanka dalkaasi, Jeneral C/Fataax C/raxmaan Al-Burhan ayaa waxa uu maanta oo Sabti ah booqasho Rasmi ah ku tegay Caasimadda dalka Uganda ee Kampala, isagoo Kulan Khaas la leh Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni.
Bayaan ka soo baxay Golaha haya Talada dalka Sudan ayaa lagu sheegay inuu Al-Burhan booqasho hal maalin ku tegay Kampala, isagoo Madaxweyne Museveni kala hadlayo Xiriirka labada Waddan, Xoojinta danaha Danaha Wadajirka ee Sudan iyo Uganda iyo xal-u-helista Colaada dalkaasi.
Socdaalka uu Jeneral Al-Burhan ku tegay Uganda ayaa ah tii 6-aad ee uu ku tago dalalka jaalka la ah Sudan, wuxuuna horey u soo booqday dalalka Masar, Suudaanta Koonfureed, Qatar, Eritrea iyo Türkiye.
Wafdiga ku wehliya Socdaalkiisa Uganda waxay kala yihiin: Sii-hayaha Wasiirka Arrimaha Dibedda, Cali Al-Saadiq iyo Madaxa Hay’adda Sirdoonka Guud, Jeneral Axmed Ibraahim Mufadal.