Waxaa magaalada Niamey ee caasimada dalka Niger lagu soo gebagabeeyay ciyaarihii da’yarta 17-jirada ee qaarada afrika oo ay ka qayb galeen 8-dal oo qaarada afrika ah.
Ciyaarahan ayaa dhanka kale xiriirka kubadda cagta Afrika (CAF) u soo xulay garsoorayaasha tayada leh ee qaaradda, waxana ka mid aha calanhayha heerka caalami ee dalkeena Xamse Xaaji Cabdi.
Xamze ayaa ka mid ahaa  25 garsoore oo 25 dal ka socota oo ciyarahan dhex dhexaadiyay waxuuna ugu horayn  dhex dhexaadiyay kulamada  guruubka ee tartanka waxuuna ku mutaystay in lagu soo daro 8 garsoore  oo loo soo xulay kulamda ugu dambeeyay ee atrtankna,
Xamze ayaa ugu dambayn loo soo xulay in uu calahaye ka noqdo kulanka kaalinta sedexaad ee tartanka kaasoo u dhaxeeyay  dalalka Nigeria iyo guinea waxaan ku wehliyay 3 garsoore oo ka socday dalalka Niger, Zimbabwe iyo Angola  3-1 waxaa kaalinta sedexaad ku guulaysaty dalka Giunea. kulanki fiinaalka eetartanka waxaa ku tartamay dalka Mali iyo South Afrika 2-0 waxaakobka ku hantay dalka Mali oo sida ku noqday Horyaalka Qaarada Afrika ee da’yarta 17-jirada.
Marki uu tartanka soo idlaaday waxaa halkaas lagu bixiyay abaal marino kooxihi iyo kaalmaha ayb ku jiro Xamze Xaaji Cabdi .
Guusha Xamze ayaa ah guul u soo hoyay  umadda Soomaaliyeed gaar ahaan bahda isboortiga waxayna daliil u tahay horumarka uu ku talaabsanayo garsoorka kubadda cagta Soomaaliyeed.
Daawo  Sawiradda :-