Wararka naga soo gaaraya Magalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal Puntland ayaa waxa ay sheegayaan in ay Maanta Maxaabiista ku xiran Xabsigaas ay sameeyeen Gadood iyo inay cuntada ka soomaan.
Maxaabiista ayaa sababta ay Cuntada uga soomaan gadoodkana u sameeyeen waxa ay ku sheegeen Handhaqanka iyo dhinaca cuntada oo ay sheegeen in la musuq maasuqo.
Gadoodka iyo cunta ka soomida kadib ayaa waxaa Xabsiga tegay Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Cadaalada iyo Taliska ciidanka Asluubta Puntland,kuwaas oo ugu dambeyn xal ka gaaray arrintaas.
Dhowr mar ayaa sidaan oo kale Maxaaabiista ku xiran Xabsiga Magalada Garoowe waxa ay sameeyeen Gadood,waxana xilligaas balan qaaday in ay wax ka qaban doonaan cabashadooda mas’uuliyiintii xilligaas ee Wasaaradda Cadaaladda Puntland.