Waxaa xalay suurtogashay in Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport ee magaalladda Muqdisho dib looga bilaabo duullimaadkii ugu horreeyey oo ay Diyaaradaha xilli habeen ah ka hinqadaan Garoonkaasi muddo 25 sannadood kadib.
Boqolaal qof ayaa xalay soo buux-dhaafiyey Garoonka, iyadoo ay Dhoofayaal badan ka ambabaxeen, kuwana ku soo degeen Garoonka.
Shaqaalaha Waaxyaha Garoonka iyo Ciiddanka Ammaanka ayaana la arkayey iyagoo Dhoofayaasha u fududeynaya arrimaha baaritaannadda, hubinta Dukumentiyadda iyo wixii kale ee ay u baahan yihiin.
Mas’uuliyiinta Garoonka ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inuu Garoonku shaqeeyo habeen iyo malin, si Dhoofayaasha loogu fududeeyo inay xilliga ay doonaan ka ambabaxaan, kuna soo degaan Garoonka Aadan Cadde ee magaalladda Muqdisho.
Dhoofayaasha ayaa aad u bogaadiyey tallaabadaasi, waxayna badankooda sheegeen inay jecel yihiin inay xilliyadda habeenkii dhoofaan, si uusan waqti badan kaga khasaari, si ay u gaaraan dalalka ay ku sii jeedeen ama Garoomadda ay Transit-ka ku sii ahaanayaan.
Dhoofayaasha inta badan ka yimaada dalalka Maraykanka, Canada iyo Europe ayaa aad u daneeya Duullimaadyaddii Habeenkii, iyagoo is barbar dhigaya xilliyadda ay dhoofayaan iyo xilliyadda ay ku beegan yihiin Waddamada sy u socdaan.
Nala wadaaga Aragtidiina ku aadan sida aad u aragtaan Duullimaadyadda Habeenimo ee Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.
Haddaba, sidee loo arkaa Tallaabadaasi ? Â Yaase wanaagsan inay Dhoofayaasha ambabaxaan xilli maalin ah ama xilli habeen ah ?Ma la dhihi karaa waa horumar ama loo baahno xilligan ?
© Warqabadka Dalsan Radio