Ra’iisul wasaaraha Dalka Ingiriiska Britain Rishi Sunak ayaa maanta u safraya Dalka Masar si uu wadahadallo ku saabsan xaaladda Israa’iil iyo Gaza ula yeesho madaxcda dalkaasi.
Sunak ayaa la filayaa in madaxda Masar uu la soo qaado muhiimada ah in laga fogaado xiisadda gobolka iyo ka hortagga khasaaraha aan loo baahnayn ee mar kasta gaara nolosha dadka rayidka ah.
Khamiistii R/Wasaaha Ingiriiska wuxuu la kulmay dhaxal-sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed bin Salmaan, wuxuuna ku booriyay Sacuudi Carabiya inay gacan ka geysatay taageerada xasilloonida Bariga Dhexe.
Dhinaca kale gawaarida sida sahayda gaargaarka ayaa weli ku sugan marinka Rafac ee xadka Masar iyo Koonfurta Gaza ,iyadoo laga cabsi qabo duqeymanka Israa;iil oo weli socda.
Mohsen Sarhan, oo ah madaxa fulinta ee bangiga cunnada Masar, ayaa BBC u sheegay in gaarsiinta gargaarka ay caqabad noqon karto haddii ay sii socdaan duqeymaha xooggan ee ka dhacaya agagaarka Rafah.
“Waxa naga hor istaagaya inaan galno waa duqeymaha ciidamada Israel. Waxaan hadda joognaa xuduudka siddeed maalmood, bambooyinkana waa ay soo dhacayaan daqiiqad kasta,†ayuu yiri.