Kooxo hubeysan ayaa la sheegay inay xalay Nin Ganacsade ah ku dileen Bartamaha magaalladda Beled-weyne, kuna dhaawaceen Wiilkiisa.
Ganacsadaha la dilay waxaa magaciisa lagu sheegay Daahir Mahadale, mana cadda sababaha isaga loo dilay, loona dhaawacay Wiilkiisa.
Ciiddanka Ammaanka ee Beled-weyne ayaa bilaabay Baaritaan lagu soo qabanayo Kooxihii geystay falkaasi oo la sheegay inay goobta ka baxsadeen, isla markii ay Toogashadda geysteen.
Marxumka la dilay ayaa ka mid ahaa Ganacsatada ugu caansan ee mehradaha Ganacsiga ku leh magaalladda Beled-weyne iyo guud ahaan Gobalka Hiiraan.
ΓΒ©Radio Dalsan