Wararka naga soo gaaraya Magalada gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxa ay sheegayaan in Magaaladaas lagu dilay mid ka mid ah Ganacsatada ugu caansan Gaalkacyo.
Ganacsadaha la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jirey C/kaafi Yuusuf,waxana la shegay in dilkiisa uu geystay mid ka mid ah dadka ku nool Magalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Dilka Ganacsadaha ayaa la sheegay in uu sabab u ahaa Khilaaf ka dhashay labo Gaari oo Gadiidka dadweynaha nooca loo yaqaan Bajaajta rasaas lagu ridayey,iyada oo  xiligaasi uu gaariga lasaarnaa Aabihii dhalay Ganacsadaha la dilay.