Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ka hadashay Howlgal qorsheysan oo Ciidanka Xoogga dalka qeybta 21-aad iyo kuwa Daraawiishta Galmudug ay saakay kula wareegeen deegaano ka tirsan Gobolka Mudug.
Qoraal ay soo saartay Wasaaradda amniga Galmudug ayaa lagu sheegay in Ciidamada Xoogga iyo kuwa Maamulka ay dib ula wareegeen deegaanada kala ah Bacaadweyn, tuulada Qaycad, Sabeena gawrac iyo deegaano kale oo ay ku sugnaayeen Al-shabaab.
Wasaaradda ayaa sheegtay in Ciidamada ay howlgalka qorsheysan ku galeen deegaanadii ay horey u qabsadeen dagaalamayaasha Al-shabaab, isla markaana halkaas isaga baxeen Shabaabka, ayna si buuxda gacanta ugu hayaan Ciidamada.
“Ciidamada qaranka iyo kuwa amniga Galmudug oo hawlgal qorshaysan qaaday saakay ayaa gacanta ku dhigay magaalada Bacaadweyn, tuulada Qaycad, Sabeena gawrac iyo deegaano kale. Alshabaab ayaa isaga baxay deegaanadii ay ku sugnaayeen, waxaana si buuxda gacanta ugu dhigay ciidamada” ayaa lagu yiri Qoraalka.
Sidoo kale Wasaaradda amniga Galmudug ayaa sheegtay inay ka go’an tahay in Al-shabaab laga saaro deegaanada ay halkaas kaga sugan yihiin, isla markaana howlgalkii saakay dhacay uu qeyb ka yahay howlgalka ka socda Gobolka.
Si kastaba Al-shabaab ayaa horey ula wareegay degaano ka tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud oo in muddo ah ay heystaan, waxaana dhowr jeer dhacay weeraro ay ku qaadeen Saldhigyo ay ku sugnaayeen Ciidanka qeybta 21-aad, iyadoona weerarkii ugu dambeeyay ku qaaday degaanka Wisil.