Maamulka Galmudug ayaa mar kale faah faahin ka bixiyay hub dhawaan lagula wareegay Gobolka Galgaduud, kaasi oo u gacan galay malleyshiyaad dadka degaanka ah oo la wareegay hub noocyo kala duwan ka kooban.
Wasiirka Amniga Galmudug, Maxamed Aden Gaboobe oo warbaahinta la hadlay ayaa si faah faahsan kaga hadlay hubkaasi iyo qaabka uu ugu gacan galay Maleyshiyaadkaasi dadka degaanka ahaa.
Waxaa uu sheegay in Hubkaasi uu ahaa mid sharci-darro ah oo dalka laga soo galiyay dhinaca Itoobiya, waxaana ku baxay sida uu sheegay Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa NISA.
Wasiirka ayaa intaa sku daray in markii Ciidanku ay gacanta ku dhigeen gaadiidka hubka siday ay weerar kala kulmeen malleyshiyaad hubaysan, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, hubkiina waxaa uu u gacan galay malleyshiyadii dadka degaanka ee weerarka soo qaaday sida uu wasiirku sheegay.
Shalay Maamul goboleedka Galmudug ayaa si rasmi ah uga hadlay shaqaaqada ka dhalatay dagaalkaasi ka dhacay deeganka Siila-madow ee gobolka Galguduud.
War saxaafadeedka Galmudug ayaa sidoo kale lagu sheegay in si dhaw ay ula socdaan dhaq-dhaqaaqa hubka laga soo tahriibiyey dhanka Itoobiya ee ku socday woqooyiga Galgaduud.