Ciidamada Badda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa gelinkii dambe ee shalay gacanta kusoo dhigay Markab si sharci darro ah ah uga jelaabanayey xeebaha degmada Hobyo ee Gobolka Mudug ee Maamulka Galmudug.
Saraakiil ka tirsan Ciidanka Mariiniska badda Galmudug ayaa waxaa ay sheegeen in Markabka ay qabteen uu ka dhul babanaayey Calanka dalka Shiinaha, isla markaana ay saarnaayeen shaqaalo dhowr ah oo kalluumeysato ahaa.
Sidoo kale Saraakiisha Ciidanka Mariiniska ayaa tilmaamay in markabkaan la qabtay la baadi goobayay muddo, ayna gacanta kusoo dhigeen, iyagoona xusay inay shaqaalaha la socday ay ka jelaabanayeen kalluun iyo qeyraad kale oo badda ku jira.
Ugu dambeyn Ciidamada Badda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa markabkaan iyo shaqaalihii la socday keenay Dekadda Magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug, si looga qaado tallaabo waafaqsan sharciga.