Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Kheyraadka Biyaha Galmudug Maxamuud Cabdi Kaarshe ayaa kulan dhanka fogaan araga ah la qaatay Agaasimaha cusub Hay’adda horumarinta u qaabilsan Talyaaniga ee Dr. Santa Molé
Wasiirka Tamarta ayaa Talyaaniga la kala hadlay xaaladaha ka sii daraya ee abaaraha ee deegaannada Maamulka Galmudug iyo sidii la isaga kaashan lahaa ka jawaabida xaaladaha ka taagan gobalka Mudug iyo qaybo badan oo ka mid ah Galgaduud.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay kor u qaadista iskaashiga iyo wada shaqaynta dheeraadka ah, si gacan looga geysto xalal waara oo laga gaaro caqabadaha soo noqnoqda iyo taageeridda istaraatiijiyadda jirta ee Wasaaradda.
Wasiirka Wasaaradda Tamarta & Kheyraadka Biyaha Galmudug Maxamuud Cabdi Kaarshe ayaa dowladda Talyaaniga uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamul Goboleedyada kale ee dalka.
SI kastaba degaano dhowr ah oo ka tirsan Maamulka Galmudug ayaa waxaa xiligaan ka jira abaaro baahsan, iyadoona lix qof ay abaaro ugu geeriyoodeen degaano hoostega Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug iyo meelo kale oo kamid ah Maamulka.