Dareen Tatuur oo 36 jir ayaa waxaa maanta la soo taagay Maxkamad ku taalla Degmadda Nasareeta, kadib markii ay Askarta Yuhuudda ku soo oogeen inay Gabay Gubaabo lagu kicinayo Dagaalamayaasha Falastiin  ku baahisay Baraha Bulshadda.
Gabyaada waxaa lagu xukumay Xabsi 5 bilood ah, waxayna horey u soo dhamaysatay Xabsi Guri ku-dhawaad 3 sanno oo jorey loogu xukumay  bishii October ee sannadkii 2015-kii.
Gabaygeeda waxay Hal-ku-dheg uga dhigtay: “Dadkaygow iska caabiya iyagaâ€, waxaana mirahiisa ka mid ahaa: Marnaba Calankeeenna hoos ma ahaanayo ee Dadkaygow iska caabiya iyaga, oo ay ula jeeday Yuhuudda xoogga ku haysta dhulka Reer Falastiin.
Â