Faezeh Hashemi, oo 60 jir ah u doouquuqda Dumarka horena u aheyd xildhibaan ayaa la xiray bishii September ee snadkii hore ka dib markii ay dhiirigalisay in Iraaniyiinta ay ka qeybqaataan bannaanbaxyada ka dhanka ah dowladda .
Waxaa lagu eedeeyey in ay kicin wadday.
Qareenkeeda Neda Shams ayaa sheegtay in la xukumay mar ay qoraal gaaban soo dhigtay barteeda twitter-ka mase aanay bixin faahfaahin dheeraad ah.
“ ma aha wax sax ah in aan ka hadlo waayo waxaan ka fiirsanayaa in xukunkan aanu aheyn kii ugu dambeeyey. Macmiilkeyga weli xabsiga ayey ku jirtaa waxaana jira kiisas kale oo iyada ka horjeeda†ayey tiri.
Gabadhan oo uu dhalay nadaxweyne hore oo Iran ah, Akbar Hashimi Rafsanjani ayaa aad u dhaliisha kooxaha ciidamada ah ee Ilaalada kacaanka ee dalka Iran., marar badan ayeyna ka hadashay.
.Hore waxay u soo dhammeysatay lix bilood oo xarig ah sanadkii 2012 iyadoo lagu helay waxa lagu tilmaamay dacaayad ay ka faafisay maamulkaiyadoo lala xiriiriyeyin ay taageeraty bannaanbaxyo kuwaas oo ka dhashay murankii doorashooyinkii madaxtinimada saddex sano ka hore.