Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta khubad dhinacyo badan taabaneysay waxa uu ka jeediyey furtaankii kal-fadhigii 41aad  ee Baarlamaanka Puntland ayaa ka hadlay qodobo dhowr ah oo ka mid ah xiisada ka taagan Gobolka Sool.
Madaxweyne gaas ayaa si kulul uga hadlay dagaalada ka jira Gobolka Sool ee u dhaxeeya Soomaaliland iyo Puntland,waxa uuna sheegay in aysan aheyn meel Garoowe iyo Hargeysa ka dhaxeysa.
Isaga oo siiwata khudbadiisa ayuu sheegay in Puntland xilligaan ay wajaheyso dagaalo dhinacyo badan sida uu hadalka u dhigay.
Gaas “Biixi waxaan leeyahay haddii Ingiriis dhul ku siinayo Laascaanood London ma ahan, Taleex ma ahan Birmingham, Xudunna ma ahan Cardiff”
Waa hadalkii ugu kululaa oo uu sheego Madaxweynaha Puntland tan iyo markii uu bilaawday dagaalka u dhaxeeya Puntland iyo Soomaaliland.
Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Puntland.