Wararka aan ka heleyno degmada Galdogob ee Gobolka Mudug ee Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dad shacab ah oo saarnaa gaari nooca Probox-ka.
Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa uu ka dhashay haraagii hubkii dagaaladii Soomaliya iyo Itoobiya iyo kii Jabhadihii ay Dawladda Soomaliya is hayeen, waxaana qaraxa uu gaariga ku qabsaday degmada Galdogob, xilli uu marayey waddo ku taalla halkaas.
Inta la xaqiijiyay darawalkii gaariga ayaa geeryooday qaraxa, halka dad kale oo gaariga la socday ay dhaawacyo kala duwan gaareen, isla markaana waxaa dadka waxyeelada soo gaartay loola cararay Xarun Caafimaad, si xaaladdooda Caafimaad loogu dabiibo.
Guddoomiyaha degmada Goldogob, Cabdiqafaar Sheekh Ibaahim ayaa gaarey goobtu falka ka dhacay, isagoo tacsi u diray qoyska darawalkii dhintay, wuxuuna Caafimaad u rajeeyay dadkii ku waxyeeloobay qaraxa.
Guddoomiyaha ayaa waxaa uu baaq u diray hay’addaha miino baarayaasha ka shaqeeya in ay si rasmi ah uga shaqa bilaabaan degmada Galdogob, oo ah halka ay ku aasanyihiin inta badan Miinooyinkii ay aaseen Ciidamadii dirirtu dhexmartay ee Soomaaliya iyo Ethiopia sanadkii 1977 iyo kuwii ka dambeeyey.
Si kastaba ha’ahaatee Dhacdadaan qaraxa ka dhashay haraagii hubkii dagaaladii Soomaliya iyo Itoobiya iyo kii Jabhadihii ay Dawladda Soomaliya is hayeen ayaa noqonaysa tii Afraad labadii sano ee u dambeysay ee degaanka ka dhacda .