Caawa fiidkii ayaa qarax Gaari waxa uu ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Hodan ee gobolka Banaadir gaar ahaan meel aan ka fogeyn Isgoyska Banaadir ee Magalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso ,waxaana dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in markii qaraxa uu dhacayay uu goobta mareyey gaari nooca raaxada ah,isla markaana uu jiro khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay.
Sidoo kale Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in gaariga ay laheyd xaaska Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo lagu Magacaabo Xakiimo balse waqtigaas aysan la socon.
Ehelada Xaaska madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ay inoo sheegeen in Gaariga ay wadatay gabar la dhalatay xaaska Madaxweyne Xaaf oo dhawaan ka timid dalka dibadiisa,isla markaana aysan gaarin wax khasaaro ah.
Hal ruux ayaa la xaqiijiyey in qaarxaas uu ku geeriyooday halka tiro kale ay ku dhaawacantay,kuwaas oo ahaa dad marayay goobta uu qaraxa ka dhacay,waxana sidoo kale u dhow fariisin cidiamo ka tirsan kuwa Nabadsugida Soomaaliya halkaasi ku leeyihiin.
Mudo daqiiqado ah ayaa waxaa hakad galay isku-socodka dadka iyo gaadiidka wallow markii dambe dib loo furay,waxa sidoo kale goobaha Caafimaadka ee Magalada Muqdisho loo qaaday dadkii ku dhaawacmay qaraxaas.