Qaar ka mid ah dadka gaadiidleyda ah ee isaga kala goosha magaalooyinka Gaalkacyo iyo Garowe ayaa sheegay in saameyn dhanka gancsigooda ah ay kala kulmeen xirnaashiyaha waddada xiriirisa magaalooyinkaas oo ay dhowr jeer xireen ciidamo gadoodsan oo ka tirsan kuwa Puntland isla markaana ka cabanayaymushaar la’aan.Â
Milkiilayaasha iyo wadayaasha gawaarida xamuulka ah ee wadadaas isticmaala ayaa sheegaya in xiridda waddooyinka oo ah arrin soo noqnoqotay ay tahay caqbad marra badan wajaheen.Â
Qaar ka mid ah ganacsatada oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay arrintaasi dhibaato aad u weyn ay ku tahay habsami u socodka ganacsigooda, waxaana ay intaas kud areen inay qarka u saaran yihiin in si rasmi ah ay u istaagaan isku socodka ganacsi ee Labadaasi Magaalo.Â
Sidoo kale Ganacsatada ayaa waxaa ay sheegeen in jid-gooyooyinka kusoo noq-noqday Waddooyinkaasi ay sabab u noqdeen in maciishaddii uu sara kac ku yimid.Â
Saraakiisha Ciidanka iyo Masuuliyiintab sar-sare ee Maamulka Puntland ayay farriin u direen,taasi oo ku aaddan inay wax ka qabtaan dhibaatadaasi soo noq-noqotay.Â
Â