Qaar ka mid ah ganacsatada leh gaadiidka booyaha shidaalka ee ka shaqeeya Puntland iyo gobollada kale ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin ay uga cabanayaan canshuur kordhin uu maamulka Puntland kusoo rogay ganacsigooda. Arrintan ayaa keentay in gaadiid badan oo qaada shidaalka ay shaqada joojiyaan tan iyo 1-dii bishan.
Ganacsatada ayaa sheegay in canshuur kordhinta cusub ay culays ku keentay dhaqaalahooda, taas oo ka dhigtay mid aan la awoodi karin bixinteeda. Waxay tilmaameen in kordhintan ay saamayn ku yeelatay guud ahaan dhaq-dhaqaaqii gaadiidka shidaalka ee isaga kala gooshi jiray gobollada Puntland iyo deegaannada kale ee Soomaaliya, taasoo dhalisay xaalad shidaal la’aan ah oo ka taagan goobaha ay shidaalka gaarsiin jireen.
Mid ka mid ah gaadiidleyda oo la hadlay warbaahinta ayaa yiri: “Canshuurta nalagu soo rogay waa mid ka badan awooddeenna, mana sii wadi karno shaqada haddii arrintan aan wax laga qaban. Dad badan oo ku tiirsanaa shidaalka aan keeni jirnay noloshadoodii way istaagtay, waana sababta aan ugu baaqeyno maamulka Puntland inuu si degdeg ah uga jawaabo cabashadayada.”
Goobaha sida weyn u saameysay shaqo joojinta waxaa ka mid ah xarumaha ganacsiga, warshadaha yaryar, iyo gaadiidka dadweynaha, kuwaas oo dhammaantood ku tiirsanaa shidaalka ay booyadaha keenaan. Ganacsatadu waxay digniin ka bixiyeen in xaaladdu sii xumaan doonto haddii maamulka Puntland uusan wax ka qaban cabashadooda.
Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo ah hay’adda canshuur kordhinta soo rogtay ayaa ilaa hadda ka aamusan codsiyada ganacsatada. Si kastaba ha ahaatee, gaadiidleyda ayaa ku adkeysanaya in shaqo joojinta ay sii socon doonto illaa iyo inta laga soo afjarayo culayska lagu kordhiyay kharashka canshuurta.
Shacabka deegaannada shidaal la’aantu ka jirto ayaa iyaguna ka walwalsan saameynta arrintan ku yeelan karto nolol maalmeedkooda, maadaama qiimaha shidaalka uu si weyn sare ugu kacay, taas oo saamayn ku yeelatay adeegyada kale sida gaadiidka dadweynaha iyo korontada.