Friedrich Merz, ayaa lagu wadaa in uu noqdo hogaamiyaha cusub ee dalka Jarmalka, kaddib marki uu xisbiga uu hogaamiyo ee Sooshal Dimoqraadka uu kaalinta koowaad ka galay doorashadii guud ee Axaddii shalay.
Hogaamiyaha kursiga kasii dagaya Olaf Scholz ayaa qirtay in xisbigiisa bidix-dhexe ee Social Democrats uu doorashada kala laabtay natiijo qaraar. Natiijooyinka hordhaca ahaa ee xalay ayaa muujiyay in xisbiga hadda talada haya uu u dhaadhacay kaalinta saddexaad.
Saadaasha iyo natiijooyinka hordhaca ah ayaa muujiyay in xisbiga muxaafidka ah ee midoobay ee CDU/CSU uu helay 28.5%, waxaa ku soo xiga xisbiga lidka ku ah soo muhaajiriinta ee loo soo gaabsho AfD, kaas oo keenay 20.5%. Halka xisbiga talada kasii dagaya ee Social Democrats-ka uu codbixinta ka helay 16%.