Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Maxamed Farmaajo oo soo saaray qoraal dhinacyo badan taabanaya ayaa sheegay in war-saxaafadeedkii xalay kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran ay dalka u jiheeyeen kala qaybsanaan siyaasadeed iyo khatar ku timi midnimada intii awal wada-joogtay.
Wax laga xumaado ayuu ku tilmaamay in madaxweyne Xasan Sheekh uu si ku talagal ah u go’aansaday in talada iyo go’aannada masiiriga ah uu bannaanka ka dhigo qaar ka mid ah Dowlad Goboleedyada iyo hormuudka siyaasadda dalka oo muhiim u ah midnimadda iyo hannaanka siyaasadeed ee loo dhan yahay.
Farmaajo ayaa intaas ku daray in Nooca iyo guddiga doorashada ee lagu xusay shirka aan loo dhammayn, Madaxweyne Xasan Sheekh ayu uku eedeeyay inuu  iska indho-tiraya waaqaca siyaasadeed ee dalka, muhiimadda xasilloonida siyaasadeed iyo nidaam doorasho oo lagu kalsoonaan karo, ayna kawada qayb qaataan dhammaan hormuudka siyaasaddu.
Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Madaxdii hore ayuu farriin u diray “Madaxda Dowlad Goboleedyadda, dhinacyada siyaasadda iyo madaxdii hore ee Qaranka waxaa waajib ka saaran yahay in ay u istaagaan ka hortagga in dalkaan dib loogu celiyo qalalaase siyaasadeed iyo khilaafaad wiiqi kara dib u dhiska qaranka iyo baadi goobka midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeedâ€.