Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Guddoomiye Ku-xigeennada Cusub ee Golaha Shacabka oo loo kala doortay, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad Cabdullaahi Cumar Abshirow, isaga oo Alle uga baryey in uu u fududeeyo mas’uuliyadda loo doortay.
Xillibaan Cabdulaahi Cumar Abshirow ayaa Codad gaaraya 146 , halka Xildhibaan Sacdiya Yaasiin ay heshay 137 cod.