Ra’isul-wasaarihii hore ee Dowladdii KMG, Mohamed Abdullahi Mohamerd “Farmaajo†oo haatan ku sugan magaalladda Nairobi ayaa ka hadlay Hankiisa Siyaasadeed ee Doorashadda Madaxtinimadda ee lagu wado inay ka dhacdo Somalia.
Waxa uu tilmaamay inuu yahay Musharax u taagan Xilkaasi, wuxuuna carrabka ku dhuftay haddii uu ku guuleysto inuu gacanta Dowladda Federalka ku soo celin doono dhamaan Deegaanadda ay Dagaalamayaasha Alshabaab kaga sugan yihiin dalka, waa sida uu hadalka u yiri.
“Hadda la ii doorto waxaa jirta qaar ka mid ah Istaraatijiyadda ee aan doonayo inaanGoballadda ku harsan Gacanta Alshabaab dib ugu soo celiyo Kontoroolka Dowladda†ayuu yiri Faramaajo oo ahaa Ra’isul-wasaarihii Dowladdii KMG ee Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Waxa kaloo uu ka hadlay Qorshihiisa ku aadan Xaalladda Guud ee Ciiddamadda Somalia ayaa sheegay haddii uu ku guuleysto Doorashadda Madaxtinimadda inay Dowladiisa mudnaan siinayso Daryeelka Ciiddamadda oo ay ku jirto inay Mushaarkooda si toos ah u helaan bil kasta.
Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa lagu xusuustaa muddadii uu Ra’isul-wasaaraha ahaa kasbaday Aqlabiyadda Ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan isagoo taageero xooggan ka helay Ciiddamadda, kadib, markii uu meel u saro Mushaarkooda iyo Bahidooda kale ee Darruuriga ah.