Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa khudbad ka hor jeediyay xildhibaanada golaha shacabka baarlamaanka fedraalka, taas oo aad loo sugayay.
Khudbadda madaxweynaha oo koobneyd waxa uu uga hadlay arrimo badan oo ay ugu horeeyaan qalalaasihii ka  dhahcay  magaalada Muqdisho iyo isku dhacyadii hubeysnaa ee dhexmaray ciidamada dowladda iyo mucaaradka.
Marka hore waxa uu ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday isku dhacyadaas,isaga oo sheegay in uu ahaa mid laga baaqsan karay,kana digay in mar kale lagu dagaalamo casimadda.
Madaxweynaha ayaa carabka ku dhuftay in uu howlaha doorashada iyo amniga ku wareejiyay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble,islamarkaana faray in uu ka soo baxo howshaas baaxadda leh.
Â