Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shacabka Soomaaliyeed la wadaagay farriin ku aaddan Xuska Shuhadada Qaraxii 14-ka Oktoobar 2017-kii ayaa Alle uga baryey in uu naxariistiisa janno ku abaal mariyo dadkii tirada badnaa ee ku geeriyooday qaraxii ka dhacay Isgoyska Soobe ee Muqdisho.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in qof kasta oo Soomaaliyeed uu xasuusnaan doono dareenkii murugada lahaa ee ka dhashay weerarkii lagu waayay muwaadiniin Soomaaliyeed oo u taagnaa in ay door weyn ka qaataan horumarka dalkeenna iyo dib u dhiska dowladnimada.
“Alle ha u wada naxariisto Shuhadada Qaraxii 14-ka Oktoobar. Waxaa ay ahaayeen muwaadiniin mudnaa nolol qurux badan, balse ay argagixisadu u qoonsadeen noloshoodii sharafta badnayd. Inkasta oo ay dhacdadaasi tahay mid uurkutaallo badan inagu reebtay, misna waxa ay ahayd dhacdo daaha ka feydey sida wanaagsan ee ay shacabka Soomaaliyeed isu caawiyaan, oo isu garab istaagaan.â€
Madaxweyne Maaxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in Ciidammada Qalabka Sida lagu garab istaago sidii ay ugu guuleysan lahaayeen dagaalamayaasha ee Al-shabaab oo dagaal kula jira dowladda Federaalka.
Maanta oo kale afar sano ka hor ayaa Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ka dhacay qaraxii weynaa ee gilgilay Isgoyska soobe 14-kii, October sanadkii 2017, ayna ku dhinteen boqolaal qof oo dad shacab ahaa.
Tirakoob rasmi ah oo la sameeyay ayaa muujinaya in ay dhinteen in ka badan 500 oo ruux, isla markaana uu dhaawacyo kala duwan soo gaaray ku dhawaad 300 oo qof, halka la waayey ,dad gaaraya 54- oo illaa haddda aan la ogeyn meel ay ku dambeeyeen raq iyo ruux.
Qaraxaasi foosha xun ayaa waxaa marka laga yimaado khasaaraa nafeed ee soo gaaray dadka, ku burburiyey hanti lagu qiyaasay $6.3 Milyan oo isugu jirtay nuucyada adeegyada Ganacsiga, gawaari iyo dhismayaal.