Madaxweynihii hore ee dowladda ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa bogaadiyay Howlgalka iyo weerarada culus ee ciidamada difaaca Puntland ay ku qaadeen Daacish.
“Puntland waxaan ku bogaadinayaa isku duubnida ku aaddan howlgalkan ee ay muujiyeen ciidanka iyo shacabka oo garab taagan, aniga oo guul u rajaynaya geesiyaasha ciidamada ammaanka Puntland ee hoggaaminaya howlgalka, iyaga oo ku sugan furimaha dagaalka ka dhanka argagixisada” ayuu yiri Farmaajo” ayuu yiri Farmaajo oo qoraal soo saaray
Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay in ay garab istaagaan howlgalka ciidamada ammaanka Puntland ay ku sifeynayaan deegaannada ay ku dhuumaaleysanayaan Daacish.
Si gaar ah maamulka Puntland ayuu ku bogaadiyay isku duubnida ku aaddan howlgalkan ee ay muujiyeen ciidanka iyo shacabka oo garab taagann “guul ayaan u rajaynaya geesiyaasha ciidamada ammaanka Puntland ee hoggaaminaya howlgalka, iyaga oo ku sugan furimaha dagaalka” ayuu yiri Farmaajo.
Dhawaan Ciidanka Puntland ayaa dagaal xooggan ku qaaday Daacish, waxaana ka sheegay inay gaarsiiyeen khasaare xooggan oo dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana la dilay xubno ajaanib ah oo dagaalka ku jiray sida Puntland soo bandhigtay.