Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhambaal tacsi ah uga diray qoyska, shacabka iyo guud ahaan dowladda Imaraadka Carabta geerida ku timid, Alle ha u naxariistee, Madaxweynihii dalkaas, Sheekh Khaliifa Binu Saayid Aala Nahyaan.
“Maxamed Binu Raashid Aala Maktuum, Madaxweyne Ku-xigeenka Imaraadka Carabta, Mudane Maxamed Binu Saayid Aala Nahyaan, Dhaxal Sugaha Imaraadda Abu Dhabi, waxaan idinka, qoyska Madaxweynaha, shacabka iyo dowladda Imaraadka Carabka, la wadaagayaa murugada geerida ku timid, Alle ha u naxariistee, Sheekh Khaliifa Binu Saayid Aala Nahyaan, Madaxweynihii Dowladda Imaraadka Carabka.â€
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa marxuum Alle uga baryey in uu u danbi dhaafo, kuna abaal mariyo jannooyinkiisa, isaga oo dowladda iyo guud ahaan shacabka Imaraadka Carabta u rajeeyay samir iyo iimaan.
Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa Maanta shaaca ka qaaday inuu geeriyooday Madaxweynihii dalkaas Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan. Sheekh Khalifa, oo ahaa 73 jir ayaa muddo sanado ah la xarbinayey xanuuno.