Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka hadlay qorshaha kulanka berrito la filayo inay Xildhibaanada Baarlamaanka kumeel mariyaan wax ka bedelka dastuurka.
Qoraal ay soo saareen Madaxdii hore ee dalka ayey ku sheegeen in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud uusan danaynaynin wada jirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed, isla markaana uu kashaqaynayo oo kaliya dano u gaar ah..
Sidoo kale Farmaajo iyo Shariif ayaa tilmaamay in nasiib darro ah in Madaxweynaha uu dhagaha ka furaysto tallooyinkii iyo dadaalladii lagu saxayey hannaanka loo marayo dib u eegista Dastuurka.
Xasan Sheekh Maxamuud ayey ku eedeeyeen inuu doonayo in uu la wareego awoodaha Baarlamaanka iyo guddoonka labada Aqal, si aan loola xisaabtamin Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.