Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa khadka taleefanka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, isaga oo ugu baaqay in si degdeg ah dib loogu soo celiyo xabbad-joojintii la hayay, si loo badbaadiyo dadka shacabka ah una suurtagasho in gargaar bini’aadantinimo la gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan Gaza.
Macron ayaa ku nuuxnuuxsaday muhiimadda ay leedahay in la joojiyo dagaalka u dhaxeeya Israa’iil iyo Xamaas, isaga oo xusay in xalka ugu wanaagsan uu yahay nabad iyo wada hadal.
Dowladda Faransiiska ayaa horey uga digtay khatarta sii xumaan karta ee ka dhalan karta dagaalka socda, iyada oo ku baaqday in la dadajiyo xal waara oo lagu dhameeyo colaadda ka taagan Gaza.