Waxaa xalay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku geeriyootay hoboladdii caan baxday, Faadumo Maxamed Xasan (Faadumo Duur). Marxuumaddu waxay muddooyinkii dambe ku xanuunsanayd Muqdisho, ehelkeeduna waxay shaaciyeen geerideeda, iyadoo la filayo in maanta lagu aasi doono.
Faadumo Duur waxay ku dhalatay magaalada Qardho, halkaasoo ay ka bilowday xirfaddeeda faneed xilligii uu socday ololihii doorashada ee 1967-kii, iyadoo qeyb ka noqotay heeso taageero u ah xisbigii Ugaas Yaasiin ee Cabdirashiid Cali Sharma-arke. Waxa sidoo kale xusid mudan in Faadumo ay qayb ka ahayd riwaayad uu lahaa Abwaan Jaamac-Daad Cabdi Seed, waxaana ay la qaaday heesta caanka ah ee “Hawlahaagii Habeenadan†oo uu curiyey Cabdi Tahliil Warsame sannadkii 1972.
Heesaha kale ee ay caan ku ahayd waxaa ka mid ahaa “Haddii aan waraaqaha,†oo uu sameeyey Abwaan Fooldhuub. Sannadkii 1973-kii, Faadumo waxay ka mid noqotay kooxda Heegan ee ciidanka booliska Soomaaliya, halkaas oo ay ka qaadday heeso aad looga xuso sida “Ku Aaway†oo uu curiyey Xasan Culusow Taraafiko, iyo sidoo kale heesta “Kalgacaylku Guumowye,†oo ay isla qaaday iyada iyo Ibraahim Baadil Ibraahim, iyadoo loo curiyey Maxamuud Cismaan Jiif (Fooldhuub).
Dowladda Soomaaliya ayaa ehelada iyo qaraabada Marxuumad Faadumo Maxamed Xasan (Faadumo Duur) ka tacsiyaysay geerideeda, iyadoo Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta uu tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii iyo eheladii ay ka geeriyootay. Faadumo Duur, oo ka mid ahayd fanaaniinta ugu caansan ee Hobalada Qaranka, ayaa sidoo kale xusuus weyn ka tagtay dadka Soomaaliyeed.
Faadumo Duur waxay sannadkii 1988 u dhooftay dalka Isutagga Imaaraatka Carabta, gaar ahaan Abu Dhabi, halkaasoo ay ku nooleyd illaa 2014-kii, markaasoo ay ku soo laabatay Soomaaliya. Alle ha u naxariisto, ha janno geliyo, marxuumad Faadumo, oo mar u dhaxday boqorkii codka Maxamed Saleebaan Tubeec. Maanta ayay geeriyootay, waxaana dhammaan Soomaalida ka tacsiyeynayaan geerideeda.