Afhayeenka Madaxtooyada Falastiin Nabil Abu Rudeineh ayaa cambaareeyay dilka wiil dhalinyaro ah oo ciidamada Israa’iil ay ku dileen waqooyiga Daanta Galbeed ee la haysto.
Afhayenka ayaa sheegay in Dowlada Israel ay sii wadaan barakicin iyo xasuuq ay ku hayaan dadka Falastiiniyiinta, wuxuuna ka codsaday beesha caalamka iyo hay’adaheeda inay ilaalin caalami ah siiyaan dadka reer Falastiin.
Saciid Yusef Odeh oo 16-sano jir ah ayaa lagu dilay deeegaanka Odla ee Nablus ,ka dib markii uu iska horimaad la galay ciidanka Israel,.
Dilka wiilkaasi ayaa dhacay xilli ciidamada Israaâ€iil la tilmaamay in ay raadinayeen nin Falastiin ah oo maalinimadii Axadda dhaawacay 3-ka tirsan ciidamada dalkaasi.