Agaasimihii hore ee hay’adda Nabadsugida iyo sirdoonka Qaranka ee NISA ahan La-taliyaha amniga Qaranka Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa Maanta la wareegay xilka uu u magacaabay Madaxweyne Farmaajo ee ahaa La-taliyihiisa dhinaca amniga.
Munaasabad kooban oo Maanta oo Axad ah ka dhacday Xarunta Madaxtooyada ayuu Fahad Yaasiin kula wareegay xilka La-taliyaha amniga Qaranka, isagoona xilkaas kala wareegay Cabdisaciid Muuse Cali oo hadda ah Agaasimaha guud ee Madaxtooyada.
Munaasabadda xilka uu kula wareegay Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyeyaasha Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya, sida uu shaaciyey Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir Cali Yare Cali.
La-wareegida xilka Fahad Yaasiin ayaa kusoo aaday, iyada oo weli uu taagan yahay khilaafka xoogan ee u dhexeeya Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble.
Si kastaba Khilaafka Farmaajo iyo Rooble oo salka ku haaya kiiska Ikraan Tahliil Faarax iyo awoodaha dhanka sharciga ayaa waxaa markiisii hore uu ka bilowday xilka qaadis uu RW Rooble ku sameeyay Fahad Yaasiin, isla markaana waxaa uu sii xoogeystay markii Farmaajo awoodaha ka dhimay Ra’iisul Wasaare Rooble