Shirkadaha Facebook iyo Instagram ayaa bilaabi doona aalad cusub oo xaddideysa inta saacadood oo uu qofka isticmaalo barahani.
Shaacintan ayaa timid ka dib markii walaac laga muujiyay in dadka waqti badan isticmaala baraha bulshada ay saamayn aan wanaagsanayn ku yeelanayso caafimaadka maskaxdooda.
Dadka isticmaala Facebook iyo Instagram ayaa imika waxaa u suuragalaysa in ay ogaadaan inta saacadood ee ay ku jiraan barahani bulshada, waxa ayna ku xiran karaan waqti xusuusin ah oo digniin siinaya marka sacadaha ay ku xirteen ay garaan.
Balse qaar ka mid ah dadka ayaa sheegay in arrimahani aysan ku filnayn in wax looga qabto waqtiga badan ee ay dadka galiyaan isticmaalka baraha bulshada.
“Ma dhihi karo waa isbadal asaasi ah, ma dhihi karo wax badan ayay ka badalaysaa qaabka ay dadka u isticmaalaan Facebook ama Instagram,” waxaa sidaasi u sheegay BBC qaybta Newsbeat Grant Blank, oo ka tirsan machadka Oxford Internet Institute.
“Waxa ay u muuqataa in la isu dheeli tirayo danaha shirkadahan ee ah in dadka ay waqti badan ku sii jiraan facebook iyo iyada oo laga jawaabayo dadka iyagu dhibsada digniinaha isdaba jooga ah .”
Shirkadda Facebook ayaa bishii December 2017 daabacday saamayn xun ee ay yeelan karto in qofka uu waqti badan isticmaalo baraha bulshada.
Shirkadaha Facebook iyo Instagram ayaa waxay shaaciyeen in adeegan la curiyay iyada oo lala shaqaynayo khubaro dhanka caafimaadka maskaxda ah iyo ururo.
Tijaabo lagu sameeyay ardeyda jaamacadda University of Michigan, waxana ardeyda loo xil saaray qaarkood in ay isticmaalaan 10 daqiiqo maalinkii waxaana la ogaaday in ay jawi ahaan ka hooseeyaan kuwa waqti badan isticmaalay.
Em Sheldon, 24 sano jir ah, islamarkana ka mida ah dadka sida aadka ah u isticmaala barta Instagram aya sheegaysa in eegida saaxibadeeda ay tahay mid maaalin waliba ay samayso.
“Aniga oo u malaynaya in ay tahay qayb shaqada ka mid ah ayaa hadana waxa aan rumaysnahay in ay dhibaato tahay sababtoo ah waxa aan la qabatinay taleefoonadeena iyo isticmaalka baraha bulshada, ayay tiri Sheldon.
“Haddii aan helo waqti firaaqo ah, waxa aan ku buuxinayaa isticmaalka baraha bulshada, ayay inta ku dartay.
Marka ay timaado in ay ogaato saacadaha ay isticmaashay Facebook iyo Instagram, Em ayaa tiri “fikir kama haysato in ay arrintan caawin doonto “wan ogahay in aan baraha bushada u isticmaalo si aad ah”
Balse waxa ay rumaysan tahay in digniinaha xusuusinta ah ay noqon karto mid micno badan samaynaysa.
“Waxaa laga yabaa in ay i siineyso bararujinta ah in aan u baahnahay in aan taleefoonka iska dhigo ,ayay tiri Em Sheldon.
Harry Hugo, oo ka mid ah asaasayaashii shirkadda dhanka suuq gaynta tiknoolajiyada casriga ah The Goat Agency, ayaa sheegay in isbadaladani ay yihiin “kuwa lala soo daahay”.
“Iyada oo ay soo baxayaan arrimaha caafimaadka maskaxda – gaar ahaan dhalinyarada oo waqtigooda inta badan galiya baraha bulshada, waa muhim in la dajiyo tallaaboyiin arrintan lagu xaddidayo.
“Haddii ay fahmaan in ay waqti badan isticmaalayaan baraha bulshada malinkii, waxaa laga yaabaa in ay labo fakaraan” ayuu yiri Harry Hugo.